(Dhageyso) Salaad Cali Jeelle Oo Ka Deyriyay Hiigsiga 2016- Ee Somaliya.

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ka mid ah xilibaanadii Dowladii KMG aheyd, horeyusoo noqdey wasiiru dowlaha gaashaandhigga ayaa Ayaa Ka Hadlay Xaalada Dalka, Jeele ayaa waxa uu sheegay in guusha dowladda ay ku xirantahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah sanadka 2016 ka

Salaad waxaa uu intaa raaciyay in ay wax wanaagsan tahay  rajada ay dowladda ay ka qabto in dalka doorashooyin ay ka dhacaan xiliga lagu balamay.

Salaad Cali Jeele waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay shirkii urur gobaleedkaIGAD ee magaladan lagu soo gabagabeeyay iyadoo aanay wax dhib ah dhicin.

Dowladaha caalamka ayuu ka dhawaajiyay in kalsooni wanaagsan ay ka heleen dalka Soomaaliya.

Shirkii IGAD ee wasiirada arimadda dibadda ayaa shalay si nabad ah kusoo gabagaboobay magaalada Muqdishu.

Halkan ka dhageyso Codka Salaad Cali Jeele.