Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta, Magaalada Muqdisho ayaa Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ugu baaqay in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo isku dhaf ah islamarkaana ay ka dhex muuqdan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaan Bishaar Ugaas ayaa sidoo kale Raysal Wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ay ku wada qancaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa dhamaadka sanadkii 2014 waxay Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah waxaana hada laga sugayaa in uu soo dhiso Xukuumada cusub.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haaya Xukuumadda ku cusub ee lasoo dhisaayo nooca ay noqon doonto.
Hoos Ka Dhageyso Codka: