(Daawo Sawirada) Maamulka Gobolka Banaadir oo Olole Nadaafadeed Ka wada Muqdisho.

0
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka fekera nadaafada hal wado oo ku taalo Magaalada Muqdisho, wadadaasi oo ah wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.
Shaqaalaha Nadaafada Gobolka Qaabilsan ayaa subax waliba usoo shaqo tago inay nadiifiyaan wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo ah wadada kaliya inta badan ay isticmaalaan madaxda dowladda.
Waxaa la arkaa shaqaalaha Nadaafada oo nadiifinaya wadada hareeraheeda oo qashinka ay ka gurayaan.
Dadka reer Muqdisho ayaa isweydiiyay sababta wadooyinka kale ee Magalada ahmiyada loo siin la’yahay oo Maamulka Gobolka ay isugu howli la’yihiin sidii loo nadiifin lahaa.
Hoos Ka Daawo Sawirada: