Yaya Toure oo Markii Afaraad loo Magacaabay Xiddiga Ciyaaryahanada Afrika.

0

yayaa

Kubad-sameeyaha xulka dalka Ivory Coast iyo kooxda Manchester City ee dalka UK, Yaya Toure ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guulaystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Sanadkii tagay xiddigan waxaa abaalmarintan kula tartamayay gool-hayaha xulka Qaranka Nigeria iyo weeraryahanka kooxda Dortmound Pierre-Emerick Aubameyang ,kaasi oo isna u dhashay Gaaboon.

Yaya ayaa abaalmarintan lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacay magaalada Lagos ee dalka Nigera, wuxuuna sanadki hore kooxdiisa uu ku hogaamiyay hanashada horyaalka Ingiriiska ,isaga oo dhaliyay 20-gool 35-kulan oo u saftay.

“Marka hore waxaan rabaa inaan halkan uga mahad-celiyo Allah oo ii suurta-galiyay inaan ku guulaysto billddan iyo ururka kubadda Cagta Afrika ee CAF oo iyagana arintan ka qayb-qaatay,“ ayuu yiri Toure oo la hadlayay boqolaal ka mid ah dadkii ka soo qayb-galay xafladda.

Tababarayaasha iyo guddiyada farsamada 54-ka dowladood ee xubnaha ka ah ururka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa sanadkan codkooda inta badan siiyay Yaya Toure ka dib qaab-ciyaareed wanaagsan oo u ku soo bandhigay Horyaalka Ingirsiiska iyo koobka adduunka ee sanadkii hore lagu qabtay dalka Brazil.

Ugu dambeyn, Yaya Toure ayaa xagga abaalmarinta laacibka qaaradda Afrika ugu wanaagsan ku bar-bareeyay weeraryahanka kooxda Everton iyo xulka Kaamiroon ee Samuel Eto’o, kaasoo isna afar jeer oo hore ku guulaystay abaalmarintan.