Wadooyinka muhiimka Muqdisho oo maalintii seddexaad xiran.

0

Waxaa maalintii seddexaad xiran wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalo magaalada Muqdisho,waxaana maanta wadooyinka xiran lagu arkayaa Ciidamo isku jira Booliska AMISOM iyo Booliska Soomaaliya. 

Gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kan dadweynaha (BL),ayaa saakay loo diidayaa in wadooyinka qaar ay isticmaalaan sida wadamada Maka Al-mukarama oo halbowlo u ah maritaanka Shacabka iyo gawaarida.

Dad badan ayaa la arkayaa iyagoo masaafo fog lugeynaya iyo gawaarida BL-ka qaarkooda oo maraya wadooyinka aan munaasab ahayn laakiin danta ay biday.

Sababta dhabta ah ee ciidamada ay u xireen wadooyinka qaar Muqdisho ayaa la ogeyn laakiin warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in amaanka Muqdisho loo adkeynayo sabab la xiriirta in Muqdisho waqtiyada dhow lagu qabanayo shirka wasiirada arimaha dibada Urur Goboleedka IGAD oo mudo badan dalka dibadiisa lagu qabanayay.

Wafuud caalami ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka.