Maman Sidikou ” Al-Shabaab waxay isugu tageen Jubbooyinka”

0

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya,Maman Sidikou oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa sheegay in Al-shabaab awoodoodii isugu geeyeen dhulka beeraha hodanka ku ah ee agagaarka wabiga Jubba.

Deegana loo yaqaan Gosha ee ku teedsan wabiga Jiinkiisa ayuu sheegay in kooxda Al-Shabaab isugu tageen, sidoo kale dhulka kafarka Waamo iyo jooraha oo ah Jubbooyinka ayeey awoododo isugu geeyeen.

Wakaalada wararka Reuters isaga oo wareysi siinayo ayuu sheegay Ergeyga midwoga Afrika u fadhisa Soomaliya in markii ay Shabaab 80% ka saareen dhulkii ay haysteen uu madaxoodii u cararay Puntland halka seyntoodiina ay aaday Jubbooyinka.

Maamulka KMG Jubba ee ka arrimiya dhulka ay hadda Shabaab ku fideen ayaa caqabada badan kala kulmay dabayaaqadii sanadkii tagay hawlgallo ay bilaabeen ciidanka Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM iyo ciidamada maamulka KMG Jubba ayeey kala kulmeen iska caabin culus waxaa uu sababay dagaalo ka kala dhacay deeganada Kudhaa iyo Biroole in maamulka Jubba looga dilo askar tirro badan, lagana saaray deeganii ay qabsadeen.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya maalmihii dambe waxuu ku sugnaa magaalada Addis Ababa iyadoo ay suuragal tahay in halkaas utagay arrimo la xidhiidha howl-galada ka dhanka Al-shabaab oo la filayo in isbuucyada soo socda dib u bilowdaan.

Horay maamulka Jubba ayaa u shaaciyay in hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee gobolada Jubbooyinka lagu soo biirinayo ciidamada Itoobiya hase ahaatee lama  xaqiijin waqtiga ay imaanayaan.