Dhageyso:Cabdullaahi Garoon Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Maryaan Howlaha Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Iyo Waxa Ay Beesha Sade Ka Qabto.

0

Ayadoo Wali Uu Soconayo Qorshaha Maamulka Loogu Sameenayo Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud ee Bartamaha somaliya ayaa waxaa arintaasi dhanka kale ka soo horjeestay Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Ka soo jeeda Waqooyigi Gobolka Galgaduud ayaga oo qaarkood kulamo ku leh Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho,

Cabdullaahi Cabdisalaan Ashkir (Cabdullaahi Garoon) Oo Kamid Ah Waxgaradka ka soo jeeda dagmada Caabudwaaq ayaa All-galgaduud Media wareysi uu siiyay Oga Waramay Xaaladda Maamul usameynta Gobolada Dhexe iyo Go”anka Ay Beesha Sade Ka Qaadatay, Waxaa uu xusay iney Hal Go”an ah Guud ahaan beesha Sade Ka Qaateen Maamulkaasi islamarkaana Aysan Ku Qanacsaneyn Gudiga Farsamada ee Howshaas Gacanta Ku Haya.

Waxaa Uu Xusay in dhamaan Qurba joogta ka soo jeedda Deegaanada Waqooyiga gobolka Galgaduud Ay Ku Gacansiinayaan Waxkasta oo dadka Deegaankaas Dani Ugu jirto.

Ugu Danbeen ayuu sheegay in shirkii midnimo-1 Ee Ay dadkaasi aayahooda oga tashanayeen la soo gaba gabeeyay wajigiisii Koobaad Wajiga labaadna dhawaan uu furmi donno.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Waxaana wareysnaya Wariyaheenna Yuusuf Cabdi shire Oo Xafiiska AGGM Ee Bosaso Jogga: