War Laga Naxo+Dhageyso: Nin Qoyskiisa Ku Laayay Degmada Shangaani Ee Magaaladaa Muqdisho.

0

Dhacdooyinka xanuunka badan ayaa waxay muddooyinkii dambe ahaayeen kuwo si isdaba joog ah uga dhacayey qeybo ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya.

Xalay abaare 2:00 habeenimo saqdii dhexe Xaafad ku taalla Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho waxa Aabe qoyskiisa kuu waxyeeleeyey isagoo adeegsaday Mindi.

Aabaha ayaan la ogeyn caafiamad ahaan sida uu ahaa isagoo tooreey la dhacay wiilkiisa halkaasina ku dilay,Xaaskiisana dhaawacay iyadoo xaaska walaalkeed oo abtiga guriga ahaa isna dhaawacmay.

Xaafada Midnimo ee Degmada Shangaani ayaa waxa dadka goob joogayaasha ay sheegayaan in ninkii falkaasi foosha xun geystay uu ka baxsaday degmada ciidanka Booliskana ay halkaasi gaareen sheegeena inay baadi goobayaan gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso