(Dhageyso) Saraakiisha Ciidanka Dowladda Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay In Ay Ku Guuleysteen Qaadista Isbaarooyin Badan.

0

Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka ee gobalka Shabeelah hoose ayaa sheegay in ay ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin badan ka dib howlgalo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah wadooyinka gobalkaasi.

Howlgalkaan ayaa xoogiisa laga sameeyay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Cumar Dheere ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana lasoo qabtay Dhalinyaro hubeysan iyo sidoo kale Mooto ay u adeegsan jireen in gaadiidka ay ku gaaraan.

Taliska Booliiska degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka la qabtay cadaaladda la horgeyn doono, islamarkaana howlgalkaan uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Dhanka kale saraakiil u hadashay Ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay nadiifinta wadooyin badan oo gobalkaasi ka mid ah, ka dib markii ay soo bateen Isbaarooyinka shacabka lagu dhibaateeyo.

Qaar ka mid ah wadooyinka gobalka Shabeelaha Hoose waxaa Isbaaro dhigta koox hubaysan oo waxyeelo u geysta dadka shacabka ah, waxaana horay sidaan oo kale loo sameeyay howlgal dad badan lagu qab qabtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.