(Dhageyso) Nabad sugida Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay sababta loo xiray wadada Maka Al-Mukarama.

0

Hay’addaha ammaanka dowlada Soomaliya ayaa markii u horeysay faah-faahin ka baxshay sababaha keenay in la xiro qeyb kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ee magalada Muqdisho taa oo halbowle u ahayd isu socodka gaadiid iyo dadkaba.

Khaasim Axmed Roobe afhayeenka hay’addaha ammaanka dowlada Soomaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kaga gol leeyihiin sugida ammaanka xirida wadada ay xireen, asagoo ka raali geliyaya shacabka isticmaali jiray wadadaas.

“Waan ognahay in ay dhibaato iyo xanibaad ku tahay dad badan oo wadada ay u ahayd wado ay guryahooda ku tagaan hase ahaatee wax dantooda ah iyo danta ummada ayaan ka shaqeyneynaa waana soo gudbin doonaa sababaha dhabta ah ee loo xiray wadada’ ayuu yiri Khaasim mar uu hadlay.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiritaanka wadada ay qeyb ka tahay hawlaha lagu xaqiijinayo ammaanka ee guud ahaan ka socda caasimadda dalka Muqdisho.

Mudo ku siman 24 saac ayeey xirantahay wadada Maka Al-Mukarama  ayadoo gaadiidka loo diiday in ay maraan kaliya waxaa loo ogol yahay dadka lugeynaya in ay gudbaan, halka gaadiidkii mari jiray ay isticmalayaan wadooyinka dhex mara xaafadaha qaar ee magalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka.