(Dhageyso) Idaacada Risaala oo hawada ku soo laabatay iyo Wariye Wali Xirin.

0

Idaacada Risaala ayaa dib hawada usoo gashay, kadib markii Agaasimaha Idaacada iyo Tifaftiraha Idaacada dib loo siiyay xuriyadooda, maanta oo Khamiis ah, iyadoo weli uu xiran yahay Wariye Maxamed Cabdi Cali oo kamid ah shaqaalaha Idaacada Risaala.

Agaasimaha Idaacada Risaala Mohamed Abdi Wahaab Abdulaahi oo ka hadlay siideynta isaga iyo Tifaftiraha Idaacada iyo dib u bilaabida shaqada Idaacada, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay howshoodii dib u bilaabaan, Idaacadana ay dib u bilaawdo howlihii ay Bulshada u haysay.

Mudane Mohamed Abdi Wahaab Abdulaahi Agaasimaha Idaacada Risaala ayaa si aad ah ugu mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qaybqaatay siideyntooda oo ay ugu horeeyaan, Warbaahinada Madaxa Banaan ee ku yaalo Magaalada Muqdisho, iyo caalamigaba, Ururada u dooda Saxaafadda iyo shaqsiyaadka kale ee kaalinta fir-fircoon ka qaatay sii deysmada Agaasimaha Idaacada Risaala iyo Tifafatiraha Idaacada.

“Dhamaan dhageystayaasha aan ka maqneyn muddadii shanta maalin ee lasoo dhaafay iyo dhinacyada kale ee xiriirka ganacsi la leh Idaacada, waxaan u balan qaadeynaa inaan halkaasi kasii wadeyno howlihii iyo adeegii hufnaa ee Idaacada ay uga barteen”Ayuu yiri Agaasimaha Idaacada Risaala Mohamed Abdi Wahaab Abdulaahi.

Sabtidii lasoo dhaafay 03/01/2015 ayeey aheyd markii hawada laga saaray Idaacada Risaala, sidoo kale la xiray Agaasimaha Idaacada Risaala, Mohamed Abdi Wahaab, Tifafatiraha Idaacada Mohamed Kaafi Sheekh Abuukar iyo Wariye Mohamed Abdi Ali.

Hoos Ka Dhageyso hadalkiisa: