Agaasimaha iyo Tifatiraha Idaacada Risaala oo dib u helay xoriyadoodii.

0

Agaasimaha Idaacada Risaala Max’ed C/wahaab C/laahi iyo Tifataraha Max’ed Kaafi Sheikh Abuukar ayaa maanta oo khamiis ah xoriyadoodii dib uga helay hay’ada Nabad sugida ka dib markii maalintii sabtida aynu soo dhaafnay laga kaxeystay xarunta Idaacada Risaala oo ku taalo degmada Xamar Jabjab ee magaalada Muqdisho. 

Mudo ku dhawaad Lix Cisho ayay ku jireen madaxda warbaahinta Risaala gacanta Dowlada,iyadoo loo xiray eedeyn la xiriirta in Idaacada ay baahisay war sheegaya in calaamadaha cudurka Ebola Qof looga shakiyay lagu arkay Soomaaliya.

Wali gacanta Dowlada ayaa waxaa ku jira wariye Max’ed Cabdi Cali oo ahaa wariyihii wareystay mid ka mid ah Ehalada ruuxii looga shakiyay caalamadaha cudurka,waxaana la sheegay in Maxkamad la soo taagay wariyaasi.

Tan iyo sabtidii la soo dhaafay waxaa wali hawada ka maqan Idaacada Risaala oo amar lagu bixiyay in la damiyo..