War-Cusub:- Daawo Maamulka TV-ga Royal oo beeniyey in Ay Tv-ga iibsadeen Wasiiro Ka Tirsan Somaliland.

0

Dr. Asad Mahdi Abukar oo ah Mulkiilaha iyo Agaasimaha guud ee TV ga Af Soomaaliga ku hadla ee Royal oo marti ku ahaa barnaamij gaar ah oo ka baxay TV gaasi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay shalay baahiyeen qaar kamid ah mareegaha af Soomaaliga wax ku daabaca ee laga qoro Magaaladda Hargeysa.

Wuxuu sheegay inay  been abuurtahay warar sheegaya in TV ga ay Saami ku yeesheen qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Soomaliland.

“Masuuliyiinta la sheegayo wax saamiya oo ay TV ga ka iibsadeen majiro aniguna waxaan cadaynayaa inaan waxaas waxba ka jirin,” ayuu yiri Mulkiilaha TV ga Royaltv.

Saxaafadda ayuu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan in dad weynaha loo gudbiyo warar been abuur ah oo aan cadayn loo hayn isagoo sheegay inaan waxba ka jirin warka laga qoray TV giisa.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka”

Halkan ka Daawo Muuqaalka Mulkiilaha Royal.