Xili ay jiraan Dilal iyo Qaraxyo Qorsheysan oo ka dhaca qeybo kamid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug waxaa uu ka hadlay Weeraradaasi.
Kuxigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Yacquub Maxamed Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Gaalkacyo ayaa sheegay in Weerarada ka dhaca Magaalada gaar ahaan dhanka Puntland laga soo Abaabulo Koofurta Magaalada ee Maamulka Galmudug.
“Maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay Nabada ka shaqeeyaan oo ay Joojiyaan Dhacdooyinka Amaan daro ee Dhankooda laga soo Abaabul,waxaan intaa ku darayaa hadii ay Joojin waayaan Gacmaha ma laaban doono”ayuu yiri Yacquub.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhaca Falal Amaandaro oo ay geeysanayaan Dad loo maleenayo in ay yihiin Al-shabaab.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka