Madaxweyne Xasan iyo Wafti Ka Socda Midoowga Afrika oo Ka Shirey Weerarkii Xalane.

0

Wafti heersare ah oo ka socda golaha ammaanka iyo nabadgalyadda Midoowga Afrika ayaa Muqdisho kula kulmay madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka wada hadleen weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey samaynta guddi isku dhaf ah oo ka kooban Midoowga Afrika, UNSOM iyo Dowladda Federaalka, kaasi oo baaritaan ku sameeya weerarkii Xalane.

Waftiga Midoowga Afrika waxaa hogaaminayay Madaxa Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Afrika Ismaaciil Jarguu (Ismail Cehrgui), waxaana qeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale oo midoowga Afrika ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa sheegey in la fulin doono si degdeg ah warbixinada iyo soojeedinaya ay gudigani bixiyaan.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay hawlgalka Badweynta Hindiya ee sida wadajirka ah u fulinayaan ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa AMISOM ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayso isku dhafka ciidamada, gaar ahaan qaramaynta maleeshiyaadka gobolada ku sugan.

Mudane Ismaaciil, Madaxa Golaha Amniga iyo Nabadgalyada ee Afrika ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay soo dhaweynta uu ka heley magaalada Muqdisho oo ahayd markii ugu horeysey oo uu booqasho ku yimaado.