(Dhageyso+Sawiro) Macalin Wax Ka Dhiga Jaamacadda SIMAD Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Muqdisho.

0

Waxaa goor dhaw qarax Miino oo aad u xoogan lala eegtay mid ka mid ah Barayaasha Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaawac xoogan soo gaaray.

Gaariga ayaa la sheegay in lagu soo rakibay Miinada, waxaana uu qarxay xilli uu marayay wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Macalinkaan Gaarigiisa lagu qarxiyay ayaa lagu magacaabaa Cabdixaliim Axmed Nuur, waxaana Jaamacadda SIMAD uu dhigayay maalmaha Khamiista iyo Jimacaha.

Qaraxa ka dib, waxaa goobta gaaray taliyaha Booliisak degmada Hodon Maxamed Daahir iyo Sidoo kale ciidamo badan oo Booliis ah.

Maxamed Daahir ayaa sheegay in qaraxaan ay ka dambeeyaan dad uu ku sheegay in ay yihiin Nabad diid, waxaana shacabka uu ka codsaday in ay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan amaanka.

Xaaladda guud halka uu qaraxaan ka dhacay xilligaan waa mid caadi ah, iyadoo Dhaawaca macalinka loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Hoos ka daawo sawirada:

 

IMG_A42145-18E1BD-CE6705-F44B5E-512E14-0527F9

IMG_A60015-1E2207-D7C767-033D3A-F15339-3A3C06

IMG_B8FB68-0583AE-469410-C41A0E-C59FC8-CFB3D6

IMG_BE1D81-1BDCA9-AD983C-37F3C4-E159A4-F09FC0

IMG_E3F262-142F28-E6A107-77D165-DBCC40-87000F

IMG_F0AA3B-AB8B4E-03CDAA-B69350-DD259E-6A2A3E