(Dhageyso+sawiro) Dab Ka Kacay Xaafadda Siliga Mareykanka Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

0

Dab xoogan ayaa goor dhaw oo galabta ah waxa uu ka kacay goob ay xaafadda Siligi Ameerikaanka ee degmada Wadajir ka deganaayeen dad barakacayaal ah, kaa oo qasaare geystay.

Dabkaan ayaa wararka waxay sheegayaan in markii hore uu ka kacay Burjiko raashiin lagu karinaaya, waxaana dabkaasi uu qabsaday mid ka mid ah guryaha Teendhooyinka ka sameysnaa ee halkaasi ku yaallay, sidaana dabka uu kusii faafay.

Haweeneey ayaa la sheegay in halkaasi ay waxyeelo dhaawac ah kasoo gaartay, sidoo kalena waxaa halkaasi ku basbeelay in ka badan 30 Kaam oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha.

Gudoomiyaha waaxda Xaawo Taako ee Degmada Wadajir Abshir Maxamed Barre oo aynu halkaasi kula kulannay waxa uu sheegay in dabkaan gurmad xoogan ay u fidiyeen dadka shacabka ah iyo sidoo kale Dabdamis ay soo dirtay Shirkadda Hormuud.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo, hase ahaatee qoysas badan oo saacado ka hor guryo ay ku noolaadaan deganaa ayaa hadda banaan cidlo ah fadhiya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Hoos Ka Daawo Sawirada:

IMG_5214

IMG_5221

IMG_5222

IMG_5224

IMG_5225

IMG_5227

IMG_5228

IMG_5229 IMG_5230 IMG_5234 IMG_5247 IMG_5249 IMG_5251