Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu duleedka Kismaayo ku dhaxmaray Ciidamada Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi balse waxaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii wadada loo galay Maleeeshiyaad ka tirsan maamul beeleedka Kismaayo iyo kuwa Kenya oo ku socday degaanka Buul-guduud.
qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkayay Baabuur dagaalka lagu gubay inuu dagaalka socday,iyadoo Al-Shabaab iyo Raaskambooni labaduba aysan ka hadlin dagaalka.
Halkan hoose ka dhageyso codka