(Dhageyso) Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo howlo baaris ka wada Gobolka Awdal.

0

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda macdanta iyo batroolka ayaa lagu sheegey in shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo ARC ay si sharci darro ah hawlo macdan qodis ah oga wado Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal ee ka tirsan maamulka Somaliland.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegey in hawlaha shirkadani ay xasilooni dari ka dhalisey gobolka Awdal. Tanina ay horseedey markii boqolaal maleeshiyaad ah ay qoratay shirkadda sida wasaaraddu sheegtey.

Dhanka kale waxa ay wasaaraddu beenisey warar ay warbaahinta baahisey oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay Shiinaha ka codsatay in ay ka caawiso xagga shidaal iyo macdan qodista.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Faarax Cabdi Xasan ayaa sheegey in shirkadani ARC markii ay baareen ay waayeen wax raad raac ah meel ay ka diwaangashantahay, iyada oo markii lala xiriirey safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay sheegtey in aysan waxbo ka ogeyn, sidoo kalana dalka Shiinaha laga waayay wax diiwaankeeda ah.

Mar aan wax ka weeydiiney in arrinkani ay kala xiriireen Somaliland ayuu sheegey in aysan meeshaba oolin sabab wax ku saabsan arrimaha dibada iyo shirkadaha maalgashanaya dalka ay wax oga weeydiiyaan cid kale.

Press Release. Soomaali

Hoos Ka Dhageyso.