(Dhageyso) Biyo La’aan iyo Cunno Yari Laga Soo sheegayo Deegaano Ka Mid Ah Mudug.

0

Dadkii ugu badnaa ayaa biyo la’aan iyo Cunno yari darteed uga soo barakacay deegaano ka mid ah gobalka Mudug, gaar ahaan deegaanada hoostaga deegaanka Bacaadweyne.

Dadkaan ayaa horay ugu dhibanaa colaad deegaanadaasi ka jirtay, hase ahaatee xaaladahaan kale markii ay kusoo darsameen ay usoo baxeen dhanka deegaanka Bacaadweyne.

Maxamed Axmed Saciid oo ah gudoomiyaha deegaankaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka gaaray Bacaadweyne ay u gurmadeen, hase ahaatee aysan awoodin in ay daboolaan baahida dadkaasi.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in dhibaatada hadda ugu daran ay tahay dawo la’aan iyo sidoo kale cunno badan oo aan dadkaan loo haynin.

Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka shacabka ah ee dhiban, islamarkaana sidoo kale waajib ka saaran yahay wax u qabashada dadkaan cid walba oo wax haysta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.