Dad ku dhintay qarax ka dhacay Caasimada Yemen ee Sanca.

0

Daraasiin qof ayaa ku dhimatay, kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari uu ku qarxay banaanka Kuleej ay leeyihiin Ciidamada Booliska magaalada Sanca ee caasimada Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan qaraxa la dhigay goob ay ardayda ku badnaayeen, balse warkan si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo qiiq iyo uuro la arkayay

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay goobta ay wax ka dhaceen, bur burkii gaariga iyo meydad dhulka yaalay

Xaalada Yemen ayaan deganeyn tan iyo sanadkii 2011 ay dibad baxyada ka bilowdeen dalkaas, taasoo keentay in xafiiska uu ka tago Madaxweynihii mudada xilka hayay Cali Cabdalla Saalax.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarkan ka dhacay magaalada Sanca maanta oo Arbaco ah

Si kastaba ha ahaatee Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa mudooyinkii u dambeeyay qaadaysay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo dagaalo ka dhan ah dowladda Yemen.