Waxaa Maanta dib loo dhigay Maxkamadaynta Shaqaale ka tirsan Idaacadaha Shabeelle Iyo Sky ee Muqdisho kuwaas oo in ka badan 4-bilood Xabsiga ku jira.
Sababaha dib u dhac ayaa lagu sheegay in qareenkii u doodayay Wariyaasha uusan soo xaadirin Goobta.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in Maxkamadu ilaa amar dambe dib u dhigtay furida gal dacwadeed ee Wariyaashaasi.