(Dhageyso) Hogaanka Raaskanbooni Oo Lagu Eedeeyay In Tacadiyo Ka Dhan Ah Xuquuqda Aadanaha Ka Geystaan Kismaayo.

0

Hogaamiyayaasha Raaskanbooniyiinta ayaa lagu eedeeyay in ay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka geystaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Odayaal iyo siyaasiin ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran loo geysanayo dadka shacabka ah, ayna ka dambeeyaan ciidamadooda.

Siyaasi Maxamed Aadan oo ka mid ah aqoonyahanada ka soo jeeda gobalkaasi ayaa sheegay in Kismaayo uu ka jiro dil, dhac iyo gabood-fallo kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in wax laga bedalo si dhibaato iyo colaad kale aysan u sii abuurmin.

Raskanbooniyiinta Ayaa sheegay in aysan ilaa iyo iminka aanay isku dayin in ay ciidamadooda dhibaatada ay geystaan wax ka qabtaan, isaga oo dhanka kale ku baaqay in wax laga bedalo maamulkaasi.

Siyaasigaan ayaa dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ku wargaliyay in Kismaayo ay noqotay meel lagu beegsado dadka biri-mageydada ah iyo kuwa loo dilo aanooyin qabiil uu ku sheegay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.