Maxaad Ka Taqaan 10-ka Qodob Ee Xasan Sheekh Maxmuud (Aka Xasan Duluf Iyo Xasan Qarandiid) Ku Mutaysan Karin In Loogu Yeero Madaxweynaha Soomaaliya.Qaybta 1-aad

0

Tan iyo Maalinkay u magaacabeen Xildhibaanada Baarlamaanka (Baqti Cunka) ah Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyne oo dadka badankii u yaqaanaan Culusoow, Qoslaaye iwm balse anagu aanu u naqaan (Xasan Duluf Iyo Xasan Qarandiid), waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo ifbaxayay wejigiisa dhabta ah.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku caanbaxay dhamaan arimahan soo socda oo qof damiir leh oo Soomaali dhab ah ugu dulqaadan karin in loogu yeero waa Madaxweyne Soomaaliyeed.

1- Xasan Sheekh ma,ahan Wadani waxa uuna saaxiib la yahay cid alle cidii cadowga Soomaaliyeed ah oo diidan in dib loo helo Qaranimo iyo sharaf Soomaaliyeed, bal eeg hareerihiisa.

2- Xasan Sheekh waxa uu waqti badan galiyaa inuu dhagaysto shaqsi walba oo shisheeye ah, mana dhagaysto waqtina magaliyo inuu dhagaysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3- Xasan Sheekh waa Qaran Diid ee ma,ahan Qaran Doon Soomaaliyeed, waxaana daliil u ah sida uu dadka Soomaaliyeed madaxa isugu galinayo ama isugu dilayo amaba u kala qob qobayo.

4- Xasan Sheekh Gobanimada iyo Sharafta Soomaaliyeed waxuu ka jecel yahay Gunimada iyo Darwasiga Soomaalida ee dowladdaha Shisheeye.

5- Xasan Sheekh, waa qabyaaladeyste aad u xun, aadna u isir neceb beelaha Soomaaliyeed qaar ka mid ah, macnahana ma ahan inuu jecel yahay beesha uu ka dhashay ee qudheeda dhexdooda xataa waa uu kala qob qobaa oo waa ay ku dhib qabaan.

6- Xasan Sheekh waa Jaahil aan dalka iyo dadka Hogaami karin, Jaahil markaad maqasho macnuhu ma,ahan Waxbarasho ma,aadin ee wax kastoo uu bartay waxaa ay miro dhali lahaayeen ama uu calfan lahaa markuu leeyahay caqli kaabaya waxbarashadiisi, waxaana daliil u ah inuusanba waxba ka aqoon dhaqanka Soomaalida iyo taariikhda Soomaaliya soo martay, macnuhuna waa in shaqsiga Madaxweynaha ah uu yahay nin waayo arag ah kuna tusaale qaata marxalada dalka soo maray uuna noqdaa mid Nabadoon ah ee uusan noqon mid dib u hurinaya waqtigii mugdiga ahaa waxii la soo dhaafay, Nabadoona waxa uu ku noqon karaa inuu kala yaqaan dadka Soomaaliyeed iyo Taatiikhdi ay soo mareen.

7- Xasan Sheekh dalkii Soomaaliyeed oo dhan Bad iyo Bariba waxa uu ka iibsaday Dowladdo Shisheeye ah, wax maanta gacanta Ummada Soomaaliyeed ugu jirana majiraan haddaan dadka Soomaaliyeed kicin intay goori goor tahay.

8-Xasan Sheekh waxa uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka jecel yahay urur diimeedka uu ka tirsan Yahay ee Damujadiid, waxaana daliil u ah jeceelkiisaas inuu sababay in laba xukuumadood oo ka horeysay midan hada lasoo dhisayo inay faarax Cabdulqaadir oo ah Kabiirka Damujadiid dartiis loo riday.

9-Xasan Sheekh waa Qaaimul Wadan, aan mudnayn in loogu yeero Madaxweyne, balse mudan in Maxkamad la soo taago, waxaana daliil u ah Deeqaha dalka la siiyo iyo Ganacsiyadi dalka ugu waaweynaa iyo nacfi kastaa ee dalka soo gala, waxuu ku koobay oo siiyay dad isaga xigto hoose la,ah iyo asxaabtiisa gaarka ah.

10- Xasan Sheekh waa Duluf aan matali karin Magaca iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana daliil u ah weli caalamka laguma arag shaqsi loogu yeerayo magaca Madaxweyne oo goobtuu tagaba sankiisa farta kula jira, taasina waxay daliil u tahay Xasan Sheekh inuu ku haboonaan lahaa wax ka hooseeya xilkan hadda magaciisa loogu yeerayo.

Ugu dambeynti iyo gabgabadeyda Hadaan u dhaqaaqo inaan Xasan Duluf dhaliilahiisa iyo godobta uu ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed soo dhiraandhiryo, waxaan gaarsiin karaa kumanaan oo mid walbaahi xaqiiqo tahay, balse intaan ayaa isleeyahay iminka ha ugu horeeyso dibna waan kasoo dhiraandhirin doonaa Hadduu eebe ii saamaxo.

FG: La Soco Qaybta Labaad Ee 10-ka Qodobee Kale Ee Xasan Duluf amaba Xasan Qarandiid.

Cabdullaahi Xuseen Xasan
Nairobi, Kenya