(Dhageyso+sawiro) Faah Faahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkan ismiidaamnta ah ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, wararka qaar ayaa sheegaya in afar ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen qaraxan tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaariga weerarka lagu fuliyay ayaa la sheegay in uu doonayay in uu ku dhaco gaari ay saarnaayeen ciidamo hase yeeshee waxa uu ku dhacay gaari Noaha ah oo uu watay qof rayid ah.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa waxa sidoo kale qasaare badan ka soo gaaray gaadiid ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkan ismiidaaminta ah waxana ay sheegeen inay ku dileen ciidamo faro badan oo isugu jira Soomali iyo ajaaniib.

Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay afar ruux oo rayid ah ku dhinteen weerarkan ismiidaaminta ah. Afhayeenka ayaa sheegay in ay hore u heleen aqbaar ku saabsan gaarigan is qarxiyay balse ay ku guuleysan waayeen inay qabtaan kahor inta uusan fulin qaraxa.

qrax avisione (1)qrax avisione (3)qrax avisione (4)