(Dhageyso) Golaha Wasiirada Konfur Galbed Somaliya Oo Kulan Ku yeeshay Beydhabo.

0

Golaha Wasiirada Koonfurgalbeed soomaliya oo Kulan koodii labaad maanta ku yeeshay magaalada beydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay, Waxaana Kulankii Maanta Ujeedkiisii Ugu Weynaa uu Ahaa Kawada Hadalka Arimaha Amniga, Ganacsiga iyo Hormarada Kale ee Maamulka Sadexda Gobol Ee Konfurgalbeed Somaliya ,

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Ugaas xasan Cabdi maxamed  Oo La Hadlay All-galgaduud Media Waxaa uu sheegay in kulanka intuu uu socday La isla Soo hadal Qaaday Dhinacyadu Aminiga iyo Dib uheshiisiinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Uu Shir gudoominayay Kulankii golaha wasiirada ee maanta wasiirka Beeraha ee maamulkaas oo Hada ku sime Ka Ah , Xili uu safar Shaqo Muqdisho Ku Jooggo Hogaamiyaha Maamulkaasi Shariif xasan sh aadan.

Hoos ka dhageyso wareysiga Wasiirka, Waxaana Wareystay Wariya All-galgaduud Yuusuf Cabdi shire Oo Bosaso Jogga.