Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay diyaariyeen gogosha shirka Maamulka Gobolada Dhexe.

0

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inay diyaariyeen gogoshii shirka Maamulka Gobolada Dhexe, kaasoo lagu wado in dhamaadka bishan Janaayo uu si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji ayaa sheegay inay si wanaagsan uga shaqeeyeen bilicda magaalada iyo soo dhoweynta Ergooyinka iyo mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galeysa

“Maamulka Ximan iyo Xeeb wuxuu soo gaba gabeeyay diyaar garow xoogan oo uu ugu jiray diyaarintii gogoshii shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, Cadaado ayayna ka dhici doontaa, wax is bedel ah ma jiraan, ergooyinka waa soo qul qulayaan, bilicdii waa ka shaqeynay, ammaankuna kor ayaa u qaadnay”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Wariyaha Jowhar.com.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa beeniyay wararka sheegaya in laga bedelayo Cadaado madasha shirka maamul u sameynta, waxaana uu ku tilmaamay warkaas mid been abuur ah, isagoo xusay in magaalada Cadaado ay noqon doonto Caasimada Maamulka Gobolada Dhexe.

“Maamulka wax walba oo uu shirku ku qabsoomi lahaa wuu diyaariyay, kaliya waxaa sugeynaa kaalinta dowladda Soomaaliyeed, in Madaxweynaha uu yimaado Cadaado, shirkana uu furo”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji.

Cadaado

Mr Careys ayaa sheegay in todobaadkan ay rajeynayaan in magaalada Cadaado uu yimaado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay inay diyaar garow ugu jiraan soo dhoweynta Wafdiga Madaxweynaha sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa ah mid dar dar ku socda, iyadoo musharaxiinta isu soo taagay xilka Madaxweynaha ay olole ka bilaabeen magaalooyinka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.