Shaqaalihii iyo Idaacadda Risaala Oo Maalintii Labaad Dowladda u xiran.

0

Waxaa wali dowlada gacanteeda ku jiro oo u xiran Agaasimaha idaacadda Risaala Mudane Maxamed Cabduwahaab Cabdulaahi Tafaftiraha idaacadda Maxamedkafi Sheekh Abuukar iyo wariye Maxamed Cabdi cali.

In ka badan 15-saacadood ayeey masuuliyiinta idaacada u xiran yihiin Dowlada Soomaaliya, iyadoo aaney jirin Masuul ka tirsan Dowlada oo ka hadlay Xariga loo geystay Masuuliyinta Idaacadda.
Sidoo kale waxaa maalintii labaad danbsan idaacadda Risaala oo Dowlada amartay in la damiyo,
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo Masuuliyiinta idaacadda ee ku jira gacanta Dowlada.
Qaar ka mid ah ururada u dooda saxaafada ayaa canbaareeyay xariga loo gestay Madaxda idaacada iyo damina la damiyay idaacadda.