XOG: Horjooge Axmed Madoobe iyo GEN. Fartaag oo maalinta Isniinta ah lagu dhexdhexaadinayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in horjooge Axmed Madoobe iyo Jeneraal Fartaag ay kulmi doonaan maalinta Isniinta ee soo socota.

Kulankani oo ku soo aadaya xili uu jiro mad-madow siyaasadeed waxaana kulankani uu ka dhacayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilo ku dhow dhow xubnahan oo ku sugan Nairobi iyo Adis-Ababa ayaa sheegay in wada hadalka Horjooge Axmed Madoobe iyo GEN. C/laahi Fartaag ay ku dhex jiraan saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyaan ah oo uu u dacwooday Fartaag.

Wararka waxay intaas ku darayaan in saraakiishan Kenyaanka iyo Itoobiyaanka ah ay la socdaan xubno kale oo labadaasi dowladood ka kala tirsan kuwaasoo dhexdhexaadinta qeyb ka ah.

GEN. Fartaag ayaa ka cabanaya Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni oo uu leeyahay waxa uu iga badsaday awood qeybsigii.

Inkastoo markii horeba maleeshiyaadka Kismaayo ay ku shaqeynayeen Boob, dhac, dil iyo kufsi dumarka ah ayaa waxaa ku soo darsamay in Maleeshiyaadka ka amar-qaata horjooge Axmed Madoobe ay hub ka dhigis ku sameeyaan beelaha kale sida Mareexaan, Sheekhaal iyo kuwa kale.

Hoosjooge Fartaag ayaa baraarugay markii aan waxba laga siinin lacagta iyo dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda magaalada Kismaayo oo uu ku andacooday in uu mudan yahay in wax laga siiyo.

Wada hadalka la isugu keenayo labada dhinac ee Horjooge Axmed Madoobe iyo sidoo kale GEN. Fartaag ayaa waxaa dhexdhexaadinaya saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyaan ah.

Daba-gal ay sameysay Shabakaddan Allgalgaduud ayaa lagu ogaaday in wada hadaladani ay suurtagal noqon karto inay qeyb ka noqdaan GEN. Gebra oo u dhashay Itoobiya iyo Amba. Afeey oo dhalashadiisu tahay Kenyaan kana soo jeeda Ogaadeen.

Axmed Madoobe iyo Fartaag
GEN. Fartaag iyo Horooge Madoobe