Top News Dhageyso:Horjooge Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay dil, boob, kufsiga haweenka

0

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan bannaanka magaalada Kismaayo ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta oo ku aadan in ciidamo ka amarqaata Col. Barre Hiiraale ay yimaadeen xeebta degmada Baraawe ee gobalka SHabeellaha Hoose.

Cabdiwahaab oo ka mid ah ciidamada ku sugan Sabca Asharaaf ayaa sheegay inaysan jirin wax ka amar qaata Barre oo gaaray magaalada Baraawe, hase yeeshee ay jiraan ciidamo dambi galay oo baxsad ah.

Wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo weli ay ka socdaan dhibaatooyin aad u xanuun badan kuwaasoo ay geysanayaan maleeshiyo beeleedka Axmed Madoobe.

Waxa uu meesha ka saaray in aysan jirin wax dowladda Soomaaliya ay ka qabatay dhibka ka taagan magaalada Kismaayo oo uu tilmaamay in maleeshiyaadka horjooge Axmed Madoobe ay gabdhaha kufsadaan, dadka dhacaan dilaanna.

Halkan ka dhageyso wareysi uu siiyay Warbaahinta Allgalgaduud.