Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Wado Cusub oo laga dhisayo Garoowe"War-Saxaafadeed".

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-1-2015 magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland xariga kaga jaray wado cusub oo laami ah, wadadaasi oo loogu magac daray Allaha Unaxariiste Wasiiru Dawlihii hore ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland Prof. Cabdi Xasan Jimcaale.

Wadadani waxa ay kamid tahay 7-wado oo magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo weliba Gaalkacyo laga hir geliyay, kuwaasi oo la qorsheeyey sanadkii tegay in ladhiso, kana mid ahaa waxqabadka maamulka Puntland ee sanadkii tegay iyo weliba fulinta balan qaadyadii Madaxweyne mamul;ka Puntland Dr Gaas.

Wadadaan maanta la daah furay ayaa waxaa maalgalisay hay’adda TIS-DAI oo la kaashanaysay hay’adda kaalmada maraykanka (USAID), wadadan oo dhererkeedu yahay 1.100 mtr ayaa dhismaheeda waxaa ku guulaysatay shirkada Puntland Conistraction Company oo ah shirkad wadani ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wadadaani ay muhiim u tahay isu socdka dadka iyo ganacsiga, isagoona shacabka reer Puntland ku booriyey in ay ka shaqeeyaan ilaalinteeda si aysan dhibaato iyo burbur u soo gaarin.

‘’ Waa muhim in dalka meel walba laga hirgeliyo wadooyin noocaan oo kale ah maadaama ay wadooyinku muhiim noo yihiin meel kasta hala joogo magaalo iyo miyiba, waxaana iska saaraynaa xil gaar ah ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Waa bilic u soo korortay caasimada Puntland ee Garoowe, waana lagama maarmaan in la ilaaliyo wadadaan lagana ilaaliyo wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya, maadama ay tahay wanaag soo korortay ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay wadadaan oo kamid noqonaysay wadooyinka laamiga ah ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

         —–DHAMMAAD—–