Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay Degmadaasi iyo Tuulooyinka hoosyimaada ay Bandaw ku soo rogeen.
Bandawga ayaa yimid kadib markii Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo Shalay Salaadii Qudbada kadib Fagaare ku yaala Xarardheere ay dadka kula hadleen islamarkaana ay u sheegeen in Degmada Al-shabaab ay Bandaw ku soo rogeen si loo Xaqiijiyo Amaanka Degmadaasi.
Warraka qaar ayaa sheegaya in Bandawga ay uga goleeyihiin sidii Al-shabaab ay u joojin lahaayeen Dagaal beeleed halkaasi Maleeshiyaad ku dhexmaray.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa Xalay gacanta ku dhigay 5 Ruux oo lagu soo qabtay Howlgallo ay Dagaalyahanadoodu Fuliyeen,kuwaas oo ahaa Dad aan Bandawga u hogaansamin.