Dhageyso Garbahaarey:Shirka Midnimo 2 oo loo diyaar-garoobayo, Barre iyo Fartaag oo kulmaya

0

Afhayeenka shirka Maxamed Aadan Cali Dheere  ka warbixiyay qabsoomidda shirka Midnimo wajigiisa labaad oo la filayo in dhowaan uu ka furmo magaalo madaxda gobalka Gedo ee Garbahaarey.

Waxa uu sheegay inay soconayso qaban-qaabada shirka iyo sidii ergada ka qeyb gali lahayd lagu keeni lahaa magaalada Garbahaarey.

Shirkani wajigiisa labaad waxaa ka qeyb gali doona siyaasiyiin ay ka mid yihiin Col. Barre Hiiraale, oo ah guddoomiyaha golaha nabadda iyo midnimada deegaanada Jubba iyo sidoo kale siyaasiyiin Kismaayo ka socota.

Maxamed Aadan ayaa sheegay in maamulka ka jira magaalada Kismaayo ee Raaskamnbooni uusan ahayn mid sax ah oo uu yahay mid qolo gaar ah ay wadato.

“Shirkani Garbahaarey waxyaabaha aan ku sixi doonno wajigiisa labaad arrimahaa baa kamid ah, waxaana sidoo kale odayaasha iyo waxgaradku ay arrintaasi ka geysan doonaan gacan baaxad leh” buu yiri afhayeenka shirka.

Halkan ka dhageyso: