Daawo sawirrada: Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda boqortooyada Sacuudiga.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulanka uu maanta la qaatay wafdiga ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo uu hogaaminayay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya waxa ay kaga wada hadleen xoojinta iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen baarlamaannada Soomaaliya iyo boqortooyada Sacuudiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdiga boqortooyada Sacuudiga waxa ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso iskaashi iyo wada shqeyn dhexmarta labada baarlamaan.

Dhanka kale Guddiyada joogtada ee baarlamaanka qaarkood ayaa maanta kulan howleed ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka.

Kulan howleedyadaasi ay yeesheen guddiyada joogtada ah ayaa qeyb ka ah dar dargelinta howlaha baarlamaanka iyo fududeynta sharciyada lagama maar maanka u ah hiigsiga sanadka 2016-ka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramaay kulan howleedyada ay Gudiyda joogtada maanta ku yeesheen Muqdisho, isagoo tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay istaraatiijiyada uu guddoonka u sameeyay Guddiyada joogtada inay labo laabaan shaqooyinkooda inta lagu gudo jiro kalfadhiga Shanaad oo maraya heer gabo gabo ah.

15ka guddiyada joogto ah ee baarlamaanka iyo labo guddiyo kumeel gaar ah ayaa kulamada ay yeelanayaan waxa ay lagama maar u tahay habsami u socodka howlaha horyaala baarlamaanka.

DSC_3481-300x199 DSC_3485-300x199 DSC_3489-300x199 DSC_3494-300x199 DSC_3502-300x199 DSC_3457 DSC_3458 DSC_3458-300x199 DSC_3460-300x199 DSC_3469-300x199 DSC_3470-300x199 DSC_3471-300x199 DSC_3472-300x199 DSC_3473-300x199 DSC_3474-300x199 DSC_3475-300x199 DSC_3477-300x199 DSC_3478-300x199 DSC_3479-300x199 DSC_3480-300x199