Taliyihii ururka Alshabaab ee degmada Kuntuwaarey oo la diley.

0

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan oo ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Kuntuwaarey lagu diley taliyihii ciidamada Alshabaab ee degmada Kuntuwaarey.

Taliyahan la diley oo magaciisa lagu sheegay Ibraahin Fiiley ayaa ka mid ahaa taliyaashii caanka ka ahaa gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka Golweyn iyo hareeraheeda.

G/dhexe Xasan Maxamed Abuukar oo ah taliyaha guutada 3aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa u xaqiijiyay saxaafada dhimashada taliyahan ka tirsanaa ciidamada Alshabaab.

Sidoo kale G/dhexe Xasan Maxamed ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Kuntuwaarey aya ku dileen Ibraahin Fiiley iyo saddex ka mid ah ciidamadiisa.

Illaa hadda wax war ah kama soo bixin ururka Alshabaab ee ku saabsan dhimashada hogaamiyahoodii degmada Kuntuwaarey.

Labo habeen kahor ayay ahayd markii duqeyn xagga cirka ah lagu diley taliyihii ciidamada sirdoonka ururka Alshabaab deegaan ka tirsan degmada Saakow.