(Dhageyso) Wasaarada Cadaalada Puntland " Ma jirto Dad Cadaalad Daro Ugu Xiran Deegaanadeenna"

0

Wasaarada Cadaalada Ee Maamulka Puntland Ayaa sheegtay ineysan Jirin Dad Cadaalad Darro Ay Ku Heysato Deegano ka Tirsan Puntland,

Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Cadaalada Puntland Maxamed Faarax Canjeex Oo La Hadlay warbaahinta Ayaa sheegay iney deeganada puntland Ka Jiraan maxkamado iyo Goobo Kale Oo Garsoor Kuwaas Oo Si Xaqsoor Ah Dadka Ugu Shaqeeya.

Ugu Horeen Ayuu Dadka Somaliyeed ugu Hambalyeeyay Bilowga Sandka Cusub Ee 2015.

Mar Uu Ka Hadlayay La xisaabtan Ay Wasaaradu qeyb Ka Aheyd Oo dhawaan madaxweynaha puntland uu la sameeyay ayuu sheegay in wasaaradu ay soo bandhigtay wax bulshada iyo Madaxweynahaba Qanciyay.

Ugu Danbeen ayuu Ugu Baaqay Dhamaan Umada somaliyeed iney ilaaliyaan Cadaalada iyo Xaqsoorka Qofkasta oo Bina”aadam Ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga: