(Dhageyso) Qof looga shakiyay Cudurka Ebola oo lagu arkay Deegan Ka Tirsan Sh/hoose.

0

Ruux looga shakiyay inuu qabo cudurka Ebola ayaa lagu arkay deegaanka Warmaxan ee ka tirsan gobolka Shabeelada hoose. 

Xasan Muxidiin oo ka mid ah Ehalada ninka looga shakiyay Cudurka dilaaga Ee Ebola oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninka ay ugu shakiyeen cudurkaan ay ku arkeen caalamadaha sida dhiig uu tufaayo,xumad daran heysa iyo Nabro ka soo baxay jirkiisa.

Wuxuu sheegay Xasan in ninka uu yahay Ganacsade,kaasi oo ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa iyo Qaarada Africa gaar ahaan kuwa galbeedka ku yaala oo ah meesha uu ka soo bilowday Ebola,wuxuuna dhawaan ka soo laabtay dalka Guinea uu ganacsi ahaan u aaday.

Xasan Muxidiin oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in cod dheer uu ku gaarsiinayo Dowlada dhexe iyo dadka arintaan quseysa sidii gurmad deg deg ah loola soo gaari lahaa ninkaaso oo hada bulshada laga takooray ,sida uu ninkaan Ehalka ka tirsan sheegay.

Waa markii ugu horeysay oo Cudurka Ebola hadii ay dhab noqoto in Ninkaan looga shakisan yahay Cudur dhacdo in Calaamadaha ka muuqda Cudurka Ebola uu yahay.

Dalalka Galbeedka Africa ku yaala ayuu si aad ah u saameyay Cudurka,isagoo meelo kale oo badan ku diday.

Hoos Ka Dhageyso Codka: