(Dhageyso) Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay aroortii ku dhexmaray duleedka Baydhabo Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab. 

Sida uu ku waramayo wariye ku sugan magaalada Baydhabo,dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Fariisin Ciidamada wada jirka ay ku leeyihiin duleedka Baydhabo halkaasina uu ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo Labada dhinac hub culus ay isku adeegsadeen.

Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu wariyaha ku tilmaamay in dhanka Dowlada shan askari kaga geeriyootay dagaalka halka seddex kale dhaawacyo soo gaareen,laakiin wuxuu carabka ku dhiftay inaan la ogaan Karin qasaaraha Shabaab dhankooda soo gaaray.

Goobtii dagaalka uu saakay ka dhacay ayaa la soo sheegaya in xaaladeedu tahay mid degan,islamarkaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ururka Al-shabaab ayaa weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah ku qaada Fariisimaha ciidamada wada jirka ah ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.