Iyadoo gobalka Galgaduud ay ka jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya ciidanka Ahlu Suna iyo koox la baxday Alsufa oo isaga baxay magaalada ayaa arimahaasi maanta waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Jamac oo ah nin sheekh si wayn looga yaqaano gobalka sidoo kalana ka mid ah masuuliyiinta ugu sar saraysa Ahlu Suna.
Sheekha ayaa sheegay dagaal ka dhaca gobalka ee lagu daadiyo dhiiga shacabka inuu yahay mid danbi ah cidii ka danbaysana ay masuuliyadeeda qaadan doonto.
Sheekh ayaa wuxuu sidoo kale uu meesha ka saaray in lagu soo duulay gobalka oo ku andacoonayaan koox sheeganaysa inay ka mitahay Ahlu Suna.