Waxaa habeen kahor dekkada magaalada Gallipoli ee dalka Talyaaniga kusoo xirtay Markab sida 700 tahriibayaal ah oo u dhashay dalka Siiriya.
Markabkan oo kasoo baxay wadanka Turkiga ayaa ku socday dalka Koroweshiya (Croatia) balse si lama filaan ah kusoo galay biyaha wadanka Talyaaniga, arrintaasi oo ku khasabtay ciidamada bada ee Talyaaniga inay markabkaasi qabtaan.
Ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in markabkaasi ka heleen 700 oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur, haween iyo waliba dad dhaawac ah. Waxaana la sheegay in dhamaan naakhuudayashii iyo Kabtankii Markabkaasi ay baxsadeen.
Ciidamada Bada Talyaaniga ayaa markabkaasi la wareegay waxayna sheegeen in markabkaasi loogu talo galay inuu isagoo sabeenaya xeebta Talyaaniga kusoo caariyo, waxaana falkaasi ka danbeeyey shaqaalaha markabkaasi oo dadka tahriibayaasha ah uga tagay markabka dushiisa, waxayna sidoo kale ay markabka ka xireen qolka laga wado.
Dadka Tahriibayaasha ayaa hada lagu hayaa iskuul ku yaal magaalada xeebta ku taal Gallipoli halka qaar kalena isbitaalada la dhigay.
War qoraal ah oo danbe kasoo baxay dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ku sheegeen in Markabkaasi laga leeyahay dalka Gariiga islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay ku ogaan lahayeen naakhuudiyihii waday iyo dadkii ku dhawaa ee la shaqaynayay.