Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Gal-gaduud Ayaa sheegay in ilaa 2-qof Ay Ku Dhinteen 3-kalana Dhaawac Uu soo gaaray Ka dib Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Maanta Ka Dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud.
Dadka Dhaawacmay ayaa La geeyay isbitalka istarliin ee Dagmada Guriceel, Waxeyna ahaayeen dad shacab ah.
Dibadbaxaan ayaa looga soo horjeeday Maamul Dowlada ee deegaankaasi waxaana dibadbaxayaashu ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan maamulka dowlada somaliya Ee Dagmadaas, Dadkan ayaa taagero Umuujiyay Cidamada Culumaa”udiinka Ahlusunno ee Halkaasi isaga Baxay.
Maamulka Dowlada ayaan xiriiir aan la sameenay ayaa sheegey iney dib ka soo sheegi doonaan qasaaraha dibadbaxaasi.
Maxamed Cabdiwali Tooxow Oo Ah Wariye madaxbanaan oo jooga Guriceel ayaa All-galgaduud oga waramay sida ay wax udhaceen waxaana wareystay Yuusuf Cabdi shire oo xafiiskeennna Boosaso Ku Sugan.
Hoos Ka Dhageyso wareysiga.