Waxaa maanta oo ahayd khamiis Jaaliyadda beesha Sade ee ku nool caasimadda labaad ee dalka Ingriiska ay qabatay kulan aad loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala gadisan ee Jaaliyadda beesha .
Kulankaan ayaa lagu lafaguray arrimo badan oo ay jaaliyada beeshu u aragtay caqabado ay wajahayso gaar ahaana deegaamadii ay deegaanka u lahayd, caqabadahaas oo hadii aanan aragti midaysan laga yeelan qatar uu keeni kara jiritaanka beesha ayana ku waayi doono booskeedii ay ku dhex lahayd bulshada Soomaaliyeed.
Mudadii uu socday shirkaan ayaa wufuudii ka soo qayb gashay shirka, waxaa ay si qotodheer uga doodeen qodabadii ajandaha u ahaa shirka isla markaana waxaana ay canbaarayn iyo dhaleecayn u soo jeedsheen madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Wufuudii ka soo qayb gashay shirka ayaa Xasan Sheekh ku eedaysay inuu qayb ka yahay hagardaamooyinka iyo dhibaatooyin lagu hayo degaamada ay degto beesha gaar ahaana gobalka Galgaduud iyo Jubooyinka, waxaa ayna ugu baaqeen inuu ka waantooba wax kasta oo dib u soo noolaynaya colaadihii Sokeeye.
Waxaana ay ugu baaqeen inay lama huraan tahay inuu ka shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa midnimada shacabka Soomaaliyeed, halka uu taa badalkeed ku hawlan yahay inuu kala geeyo dadka iyo hurinta colaada hor leh, taasoo cadaawad hor leh ka dhex abuuri karta shacabka Soomaaliyeed.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib, waxaa la isku afgartay dhamaan qodabadii iyo ajandihii Shirka looga hadlayay gabagabadiina ay waxaa ay jaaliyada beeshu ka soo saartay war murtiyeed waxaana la isku waafaqay qodabada soo socda :-
1-In la taageero Shirka Garbahareey (Midnimo 2) lagana dhigo mid ay u dhantahay dhamaan beesha, lalana garab istaago taageero dhan walba ah oo ubaahdo Shirkaas.
2-Waxaan qaadacnay shirka maamulka loogu samaynayo gobalada dhexe, waxaana taageeraynaa go’aamadii ka soo baxay shirarkii waxgaradka beesha ay ku yeesheen Caabudwaaqiyo Muqdisho.
3- Waa in Beesha Sade masiirkeeda gobalada dhexe looga tashtaa shirka Caabudwaaq
4 –Waa in la dhisaa Golaha Guurtadda beesha Sade si uu uga qaybqaato horumarinta midnimada Beesha.
5- Waa in la mideeyaa dhamaan garabyadda siyaasadeed ee beesha si ay u yeeshaan aragti midaysan gaar ahaan arrimaha deegaamada ay beeshu degto iyo guud ahaanba arimaha siyaasada Soomaaliya.
6- Waa in si dhaqsa loo soo dhiso maamulada deegaanada ay beeshu degto.
7- Waa in la dhiso gudiyo siyaasadeed oo wadaxaajood la sameeya dowladaha dariska maadaama beesha deegamadeedu badanaa ay dhacaan xuduuda.
8- Waa in Jaaliyadda Ingiiska iyo dhamaanba jaaliyadaha kale ee beesha ee ku kala nool dunida dacaladeeda ay samaystaan gudiyo si ay uga qayb qaataan horumarinta deegamadooda iyo beesha intaba.
Gabagabadii kulankaan ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo farxad ay ka muuqato, waxaana ka qaybgalaashii kulankaan ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay sidii looga shaqayn lahaa in beeshu ay gaarto midnimo buuxda iyo hogaan adag oo gaarsiiya beesha Sade wanaaga ay ku taamayaan wanaagna kula noolaada walaalahooda Soomaaliyeed.