Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya aya waxa ay sheegayaan in Qaliinki lagu sameeyay Col Yaasiin Nuur Gaas (Indha Raadaar) ay dhaqaatiirta caafimaadka ku guuleysteen xaaladiisa caafimaadna ay tahay mid hadda si ad iyo aad ah uga soo reynaysa.
Warka ayaa intasi waxa uu ku darayaa in xalay ka dib markii la geeyay dhaawici Col. Yaasiin Nuur Gaas magaalada nairobi in durbaba Qaliin lagu sameeyay qaatay saacado badan dhaqaatiirtana ay ku guuleeysteen qaliinkaas.
Waxaa marba marka ka dambeysa soo hagaagaysa xaalada Cafimaad ee Col. Yaasiin Nuur Gaas oo iminka ku jira qolka soo kabsashada Isbitaalka lagu qalay, waana uu miyir qabaa waloow xabado badan oo ku dhacay laga soo wada saaray.
Saacado ka hor mar uu Wariyaheena si toos ah ulla xiriiray Isbitaalka ayaa waxaa loo sheegay “Walaaloow, Waa Ilaahay Mahadiis Col. Yaasiin aad iyo aad bay u soo hagaagaysaa xaaladiisa caafimaad, waana wax Alle Subxaanahu watacaalaa loogu Mahadiyo“.
Shalay subax ayay ahayd markii Col Yaasiin Nuur Gaas ay weerar fuleynimo ah ku qaadeen maleeshiyaad si toos ah uga amar qaata Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe isagoo ku sugan Hotel Tawakal, rasaas xooga oo ay huwiyeen ayaa waxay sababtay in dhaawac soo gaaro, waxaana sidoo kale rasaasti xooganeed ayaa waxaa dhaaacyo kala duwan ka soo gaareen laba nin oo shacab ah kuna hayb ah Col. Yaasiin Nuur Gaas.
Isku soo wada duuboo ma ay aha marki ugu horeeysay ee Col. Yaasiin Nuur Gaas uu ka bad baado isku day oo qorsheysan, waxaana la oran karaa Horjooge Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa waa ay u bareereen waana ku talagaleen inay dilaan Col. Yaasiin Nuur Gaas balse Alle Dile Ayaa Dhinta.