Shirweyne ay maanta isugu yimaadeen dhamaan qeybaha bulshada Waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa waxaa lagu lafa guray aayaha beesha Sade, waxaana laga soo saaray qodobo Muhiim u ah Beesha Sade.
Shirkan ayaa waxaa sugu yimi dhaamaan Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Sade ee gobolka Galguduud.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayay arrimo ku saabsan maamul u sameynta Gobalada Dhexe ee dalka gaar ahaan gobaladan Mudug iyo Galguduud Iyo sidoo kale arrimaha Jubbooyinka.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Beesha Sade ee gobolka Galguduud Nabadoon Xaaji Muuse Geelle Bulxan ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dagaal ba’an kula jiro dadka ka soo jeeda gobolada Galguduud iyo Gedo, waxa uu sameenaya waa wax lagula xisaabtamayo waqti ay noqotaba.
Nabadoon Xaaji Muuse Geelle ayaa waxa kale oo uu sheegay in howlaha maamul u sameynta gobolada dhexe cidii ka mid noqotaa inaysan beesha Sade ka mid ahayn matalin ayna yihiin wax ceebeeysan.
Wakiilka Ugaaska beesha Sade Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy ayaa waxa uu sheegay cid walba oo ku dhexjirta arrimaha maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galguduud inaysan ka mid ahayn beesha Sade, waxa y ku dhex jiraana iyaga ay gaar u yihiin.
Sidoo kale Wakiilka Ugaaska aya waxa uu sheegay in dhamaan Beesha Sade looga baahan yahay inay ka qeybgalaan shirka Midnimo 2 ee ka furmaya magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Ugaaska Axmed Bare Cali ayaa waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada, Aqoon yahanada Siyaasiyiinta iyo dhamaan qeybaha bulshada inay ka qeeyb galaan shirka Midnimo 2, Cidii aan u hogaansamin Goaa’nka beesha Sade gaar ahaan Xildhibaanada haddii aysan u hogaansamin inay ogaadaan in beesha Sade ay kuwo kale ku badaleeyso.
Faaduma Caanood ayaa waxa sheegatay in ay beesha Sade ku goowracan tahay iskuna raacsan yihiin Hadalka Ugaas iyo Nabadoonada iyo Ganacsatada beesha Sade, sidoo kale waxa ay sheegtay in beesha Sade ay awal hurdeen balse hada ay tooseen waxii horena aysan socon doonin.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay dhamaan qeybaha bulshada iyagoo dhamaantood isku raacay fulinta qodobo muhiim u ah aayaha beesha Sade.
Halkaan hoose Ka Dhageyso Warsaxaafadeedka
W/D. Wariye Sharmaake Cabdi Khaliif
Xafiiska Warqabadka AGGM Caabduwaaq, Soomaaliya