Dhageyso: C/raxmaan Tuuryare “Hub Casri Ah Oo Al Shabaab U Adeegsan Jireen Dilalka Ayaa Gacanta Ku Dhignay”.

0

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo Sirdoonka C/raxmaan Tuur yare ayaa maanta oo Axad ah wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen hub casri ah oo Shabaab ay isticmaali jireen.

Wuxuu sheegay in Biskoolado ay ciidanka gacanta kusoo dhigeen noocooda ay ahaayeen kuwa aan la maqleyn, xilliyada dilalka lagu fulinaayo, wuxuuna sheegay in Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay baartay arintaasi.

Mr Tuur Yare ayaa wuxuu sheegay in Nabadsugida Soomaaliya ay soo ogaatay dalka laga soo dhiibay biskooladaha noocaasi ah, wuxuuna sheegay inay la xiriireen oo baaritaan ay ku hayaan arintaasi.

 

 

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso