Waxaan soo helnay xog muhiim ah taas oo ku saabsan sababta Ra’iisul wasaaraha looga dhigayo Cumar Cabdirashiid Cali Saharmaarke oo Muqdisho yimid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagula taliyay in Ra’iisul wasaare uu ka dhigo Sharmaarke sababtuna waxay tahay Laba Arin muhiim ah oo is biirsaday.
1- In loo baahan yahay Ra’iisul wasaare mudada dhiman dood la’aan ku dhameysta, islamarkaana aan ka horimaan arin walba oo uu madaxweynaha iyo saaxiibadiisa ay damcaan.
2- In uu yahay ninka kaliya ee loo adeegsan karo maamulka Puntland si meesha looga saaro heshiiskii Cabdiweli Sheekh Axmed uu dhawaan lasoo saxiixday Cabdiweli Gaas.
Hadaba Labadaan arin ayaa ugu waaweyn sababta Cumar Cabdirashiid meesha loo keenay, iyadoona la filayo in saacadaha soo aadan lagu dhawaaqo.