Dhageyso: Ciidanka dowladda oo qorshe cusub ku sugaya amaanka degmada B/weyne.

0

Ciidamada ammaanka Baladweyne ayaa xalay sameeyay kormeer ay ugu magac dareen xaqiijinta ammaanka.

Guddoomiyaha Baladweyne Maxmaed Qalaafow ayaa sheegay in kormeerkani yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka isla markaana ciidamada ay kormeereen xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Muddooyinkii dambe waxaa isbedal laga dareemayay dhanka ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay inay ciidan ahaan isku filan yihiin oo ammaanku yahay mid wanaagsan sidii hore marka loo eego.

Halkan ka dhageyso: