Dhageyso: Dowladda oo ka warbixisay howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo dad badan oo la soo xiray…

0

Afhayeenka qeybta amniga ee gobalka Banaadir ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.

Howlgalladan oo maanta qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay ayuu sheegay in ciidanka ammaanka inay ka gaareen guulo wanaagsan, waxaana uu intaas ku sii daray in ay sii socon doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ciidanka ammaanka ee Muqdisho iyo gobalada ku xeeran waxaa ka socday howlgallo ay sameynayaan ciidanka isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya.

“Howlgalladii ugu danbeeyay waa lagu guuleystay waan soo xirnay nabad diidkii mana joojin doonno” ayuu yiri Khaasim.

 

 

Halkan ka dhageyso: