Dhageyso: Al-shabaab la fashiliyey.

0

Wasaarada amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dad ay sheegtay inay ahaayeen shabakad ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo laga soo qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Yuusuf Cismaan, afhayeenka wasaarada amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay in dadka lasoo qabtay oo gaaraya 8 ruux uu kujiray ruux dhaawac ah oo shabakada ka tirsanaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi ay dilal ka geysan jireen magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay wuxuuna sheegay in dadkaasi lagu wareejiyay hayada nabad sugida qaranka.

Dadka ayaa adeegsan jiray gaari dameero si ay waxyaabaha qarxa ugu soo geliyaan magaalada Muqdisho.

 

 

 Halkaan Hoose Ka Dhageyso…


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com