Warar horleh ayaa kasoo kordhaya dagaal saakay ilaa hada kasocda Magaalada dhuuso-mareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud dagaalka ayaa lashegayaa in uu hada xoogeystay oo hubka noocyadiisa kala duwan leysku adeeg sanayo.
Ciidamada Ahlusuna ayaa magaalooyin badan waxaa kaga imaanaya gurmad aad u xoogan iyadoona weli xabada ay kasocoto bartamaha magaalada dhuuso mareeb.
Afar askari oo katirsan ciidanka Culumaa udiinak Ahlusuna ayaa dagaalka lagu qabtay iyadoona ay gacanta ku dhigeen ciidanka mileteriga dowlada Ee Saakay qabsaday dhuuso mareeb.
Xeraale Guraceel iyo meelo kale oo gobolka katirsan ayaa laga soo shegayaa gurmadaka Ahlusuna uu ka imaanayo iyadoona dhinaca kale Guraceel Ciidamada ay kawadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo u muuqata mid daku ay kabaqdin qabaan in uu dagaal ka qarxo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com